Iiraan oo Shuruud ku xirtay wada xaajood ay la gasho Sacuudiga

Wasiirka Arimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif in Iiraan ay wadahadal la gali doonto Sacuudiga hadii xukuumada Riyaad ay badasho siyaasada cakiran ee gobolka iyo dilalka dadka Rayidka.


Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa todobaadyo ka hor ugu ugu baaqay xukuumadaha Baqdaad iyo Islamabad in ay la hadlaan Iiraan si loo dajiyo xiisada ka jirta gobolka, sida ay saraakiisha dalalkaan u xaqiijiyeen majalada Newyork.

Mr Zarif ayaa tilmaamay hadii in marwalba Iiraan ay diyaar u tahay in la xaliyo qilaafka gobolka balse waxuu shuruud ku xiray in Sacuudiga ay joojiso xasuuqa ay ku heyso dadka rayidka ee u dhashay Yemen.


Sacuudiga ayaa u muuqda todobaadyadii la soo dhaafay mid daneynaya in la soo afjaro qilaafka kala dhaxeeya Iiraan tan iyo markii la weeraray laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Sacuudiga ee Aramco.

Intii uu socday shirkii 74-aad ee qaramada midoobay ayaa madaxweynaha Iiraan Maxamed Ruuxaani wuxuu sheegay in uu shir ku casuumayo wadamada ay saameysay xiisada bariga dhexe si looga hadlo arimaha Nabadgelyada.

Faallooyin