Pakistan iyo Shiinaha oo ka wadahadlaya xiisada ka taagan gobolka Kashmiir

Ra'isul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa u safray wadanka Shiinaha oo booqasho laba maalin ah ku qaadano, waxaana uu kala hadli doonaa xiisada gobolka Kashmiir.


Mr Khan ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo ra'isul wasaarihiisa Li Keqiang.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Imran Khan ayaa lagu sheegay in in booqashadan ay noqoneyso tii sadaxaad tan iyo markii xilka loo doortay bishii Agoosto ee sanadkii Hore.

Xukuumada Islamabad ayaa dooneysa in ay xoojiso xiriirka ganacsi iyo midka amni ee kala dhaxeeya Shiinaha.


Pakistan ayaa aad ugu carootay xayiraada bishii hore ay Hindiya ku soo rogtay dhulka muslimiinta ee Jamu Kashmiir, waxaana Pakistan ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dowlada Delhi.

Faallooyin