Jarmalka oo malaayiin doolar ugu deeqay hormarinta dhaqaaalaha Soomaaliya

Wadanka Jarmalka oo ka mid midowga dalalka Yurub ayaa lacag dhan 73 million lacagta Mareykanka ah deeq ahaan u siiyayay dowlada Dalka.

Ms Annett Gunther oo ah safiirka Jarmalka u joogta Muqdisho ayaa balan qaaday dhaqaalahan intii lagu guda jiray dabaaldega maalinta midnimada Jarmalka.


Lacagtaan ayaa loo adeegsan doonaa hormarinta hanaanka maaliyada dalka iyo sare u qaadidada aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed.



Qeyb ka mid ah lacagtaan ayaa lagu bixin doonaa hormarinta iyo qalabeynta goobaha lagu barto farsamada gacanta si ay xirfad ugu noqoto dadka shaqo la'aanta Heysata.


Dhanka kale dowlada saraakiisha wasaarada arimaha dibada dalka ayaa kaga mahad celiyay dowlada Jarmalka taageerada ay siiso dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Faallooyin