Tababar looga hortagayo safarada aan sharciga aheyn oo ka socda Muqdisho

Tababar la xiriira ka hortagga Socdaalka Sharci Darrada ah ayaa ka furmay caasimada dalka ee Muqdisho,waxaana goob joog ah saraakiil ka tirsan Dowlada.


Munaasabada ayaa waxaa daahfuray taliyaha ciidanka Akadeemiyada booliska, Janaraal Cabdirashiid Aadan Cilmi, agaasimaha guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Xasan Cabduqaadir Maxamed.


Tababarka ayaa waxaa bixinaya saraakiil ka socota dowlada Turkiga, iyadoo goob uu ka ahaa Korneyl Axmed Altan oo ah la taliyaha arimaha amniga iyo arimaha gudaha safaarada Turkiga ee Muqdisho.


Ujeedada looga gol leeyahay tababarka oo socon doona shan maalin ayaa waxay tahay sidaa kor loogu qaadi lahaa aqoonta ciidanka booliska iyo saraakiisha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.


Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay wadamada uu saameeyay tahriibka iyo socdaalka sharci darrada taasi oo loo sababeynayo burburkii dalka ka dhacay Sagaashamaadkii.

Faallooyin