Ruushka oo ka hadlay talaabada Mareykanka uu kula baxayo ciidanka ka jooga Suuriya

Dowlada Ruushka ayaa ku baaqday in ciidanka shisheeye ee sida sharci darrada ah ku jooga gudaha Suuriya ay isaga baxaan maadama ay waajib tahay madax banaanida dalka Carbeed.

Afhayeenka aqalka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in ciidanka ajaaniibta ah ay dhibaato ku yihiin soo noqoashada amniga Suuriya.
Inkasta oo ruushka cadeeyay in ciidanka shisheeye ay dhibaato ku yihiin amaanka ayaa hadane waxaa jira kumanaan askari oo ruush ah kuwaasi oo ka barbar dagaalamaya ciidanka bashar Al-Asad tan iyo sanadkii 2015-ka.
Hadalka ka soo baxay xukuumada Moscow ayaa ku soo aadaya saacado uun kadib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay in uu ciidankiisa ka daat gureynayo gobolka Idlib.

Mr Dmitry Peskov ayaa dhanka kale ka digay weerar Turkiga uu ku qaado deegaanada u dhow xadka gaar ahaan gobolka Idlib, in ay keeni karto barakac cusub iyo xasarada ka taagan Suuriya.

Faallooyin