Maxay tahay sababta ku riixeysa Donald Trump in xiligaan uu ku hanjabo burburinta dhaqaalaha Turkiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu burburin doono dhaqaalaha Turkiga hadii xukuumada Ankara ay xadgudub ka geysato gudaha Suuriya.

Trump ayaa digniintan layaabka ah soo saaray isniinta maanta saacado kadib markii uu ku dhawaaqay go,aanka milatariga Mareykanka ay uga soo baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin wadanka Suuriya ee u dhow xadka Turkiga.


Xukuumada Ankara ayaa sheegtay in ay weerari doonto dagaalyahanada kurdida iyo maleeshiyaadka kale ee ku sugan gobolka Idlib.


Hanjabaada Trump uu ku soo qoray bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa u muuqata mid uu kaga jawaabayo dhaleeceyn kaga timid xubno ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo kuwa Dimuquraadiga oo la xiriirta In uu qiyaamay dagaalyahanada Kurdida oo mudo fog ay Isbaheysi wada Ahaayeen.

Hadii Turkiga uu qaado weerar ka dhan ah Kurdida aniga oo adeegsanaya xigmadeyda waxaan gabi ahaanba burburin doonaa dhaqaala Turkiga horay ayaana u sameeyay hada ka hor ayuu Yiri.

Faallooyin