Askar iyo shacab ku dhintay qarax xoogan oo ka dhacay bariga Afghanistan

Ugu yaraan 10 ruux oo isugu jira askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay kadib markii bambo wadada lagu aasay ay la kacday gaari yar oo ay saarnaayeen ciidan la tababaray oo ka tirsan milatariga Afghanistan.


Weerarka ayaa ka dhacay magaalada ku taal bariga dalkaasi ee Jalalabad sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan Dowlada.

Mr Ataullah Khogyani oo ka tirsan saraakiisha amniga gobolka ayaa sheegay in 27 qof oo isugu jira shacab iyo askar tababar u socday ay waxyeelo dhaawac ka soo gaartay Weerarkan.


Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada weerarka dhacay isniita maanta, balse magaalada Jalalabad ayaa horay weeraro waxaa uga geestay ururka Taliban iyo dagaalyahanada Daacish.

Raxiim Jan oo ah wiil dhalinyaro oo dhaqa gawaarida ayaa sheegay in uu goob joog uu u ahaa qaraxa dhaawacna uu ka soo gaaray Gacanta.

Wiilkaan ayaa tilmaamay in markii uu soo kacay uu arkay dhiig gacantiisa ka qubanaya dhimasho dhaawac badan oo yaala Wadada.

Faallooyin