Wasaarada Maaliyada oo balan qaaday in ay la shaqeyn doonto maamulka gobolka Banaadir

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan la qaatay wasiirka Maaliyada Xukuumada Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka labada mas,uul oo looga hadlay hormarinta kobaca dhaqaalaha ayaa waxaa goob ka ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka maaliyada mudane Ibraahim Dheere.

Wasiirka maaliyada iyo madaxda gobolka Banaadir ayaa isla gartay sidii loo dardar galin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha caasimada iyadoo si wadajir ah la isaga Kaashanayo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waday kulamada uu la qaadanayo madaxda sare iyo mas,uuliyiinta wasaaradaha kaasi oo la xiriirta hormarinta dhanka dhaqaalaha iyo amniga caasimada Muqdisho.

Faallooyin