Milatariga ciraaq oo lagu eedeeyay in awood dheeri ah ay u adeegsadeen Dibadbaxayaasha diidan Dowlada

Milatariga Ciraaq ayaa awood xadgudub u geestay Isniinta maanta ah dad dibadbax ka dhigayay magaalada caasimada ah ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee ku yaal dhanka Koonfurta.


Ciidanka waxay adeegsadeen awood ka baxsan qawaaniinta caalamiga waxaana bilownay in aan la xisaabtanno saraakiisha ka danbeysay xadgudubyada, ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska milatariga Ciraaq.

Warsaxaafadeedka ayaa dhanka kale lagu amray in dhamaan lagu badalo ciidankii ka danbeeyay falkaan booliska Fedaraalka,iyadoo ciidanka Sirdoonka loogu baaqay in ay baaraan saraakiisha tacadiga Geysatay.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay shaaciyeen in dibadbaxyada ka socda dalka ciraaq ay ku dhinteen dad ka badan boqol ruux.


Shacabka Ciraaq ayaa ka cabanaya musuq maasuq shaqo la,aan heysata dhalinyarada iyo adeegyada muhiimka ah sida korontada iyo biyaha oo aan ka jirin deegaanada Qaar.

Faallooyin