Lafta Gareen oo kulamo kula leh magaalada Beydhabo madaxda Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti

Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka baay ayaa waxaa shir uga socdaa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo mas,uuliyiinta kale ee Maamulkaasi.


Gudoomiyeyaasha baarlamaanada dalka iyo kan Jabuuti ayaa goor sii horeysay gaaray magaalada waxaana la filayaa inta ay joogaan in ay ka qeyb galaan furitaanka shirka golaha wakiilada koonfur Galbeed.

Soo dhaweynta mas,uuliyiinta ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux oo ku dhaqan magaalada Beydhabo kuwaasi oo kaga hortagay madaarka Diyaaradaha.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah kaasi oo ku saleysan dhanka dhaqanka iyo wada dhalashada labada Bulsho.

Faallooyin