Mareykanka oo bilaabay in ciidankiisa uu kala baxo waqooyiga Suuriya

Ciidanka Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa bilaabaya in ay isaga baxaan deegaanada ay ku sugan yihiin xilli Milatariga Turkiga uu isku diyaarinayo howlgal ka dhan ah kooxda Kurdida iyo dagaalyahanada Kale.


Washington ciidankeeda ma taageeri doono howlgalka Turkiga ee ka dhan ka ah kurdida, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saari doonaa gobolka Idlib, sidaasi waxaa sheegtay xoghayaha dhanka warfaafinta aqalka cad Stephanie Grisham.


Balse ma cada waqtiga rasmiga ah ee Mareykanka ugu danbeyn ciidankiisa uu kala bixi doono waqooyiga suuriya kuwaasi oo tiradoodu ay tahay, 1,000 Askari.

Ms Stephanie ayaa intaa raacisay in Turkiga uu bilaabay dhaq-dhaqaaq ku aadan howlgalada milatari ee gobolka Idlib.


Afhayeenka aqalka cad ayaa ugu danbeyn sheegtay in Isniinta maanta ah ay ciidankooda ka baxeen laba saldhigyada Tel Cabyad iyo Ras Al-Ceyn oo u dhow xadka Turkiga.

Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayaa isku qilaafsan dagaalka ka dhanka ah Kurdida waxaana Mareykanka uu ugu hanjabay Turkiga in cunaqabateyn dhaqaale uu ku soo rogi doono hadii Turkiga uu weeraro Dagaalyahanadan.

Faallooyin