Boqolaal neef oo daad ku qaaday roob ka da'ay ismaamulka Mandera

Inkabadan boqol neef oo ari ah ayaa ku dhintay kadib roob xoogaan oo ka da'ay ismaamul goboleedka Mandera ee gobolka waqooyi Bari Kenya saacadihii la soo Dhaafay.


Mudane Ahmed Rashiid oo ka mid ah hogaamiyeyaasha laga soo doorto bariga Mandera, ayaa sheegay in 400 oo neef oo ari ah ay ku dhinteen daadad xoogan oo ka dhashay roob ka da'ay tuulada Gideer habeenimadii Jimcaha.

Dhanka kale waaxda qaran ee maareynta Masiibooyinka dalka Kenya ee loo yaqaan (NDMA) ayaa biyo iyo raashin gaarsiisay dadka waxyeelada ka soo Gaartay Roobka.


Mr Rashiid ayaa tilmaamay in uu aad uga xun yahay xoolaha ku dhamaaday roobka, sababo la xiriira saameyn ku yeelatay abaarta oo keentay in ay u adkeysan waayaay Dhibicda.

Dhanka kale wuxuu tilmaamay in qasaaraha laga yaabo in uu kordho maadaama deegaanada qaar aan laga warqabin xaaladooda sababo la xiriira adeega isgaarsiinta oo meelaha qaar aan Gaarsiisaneyn.

Faallooyin