Ciidanka amniga Kenya oo lagu eedeeyay in dhibaato joogto ah ay ku hayaan shacabka Waqooyi Bari

Soomaalida ku dhaqan gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa la kulmaya cadaadis kaga imaanaya ciidanka amniga Kenya ee ku sugan ismaamulada Garissa Wajeer iyo Mandera.


Waxgarad ka soo jeeda gobolka oo la hadlay Universal ayaa sheegay marka ciidanka Kenya lagu waxyeeleeyo gudaha Soomaalia ama uu xumaado xiriir-ka labada wadan ay ciidanka caro kala duldhacaan dadka xoola Dhaqatada.


Mr Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka magaalada Garissa ayaa tilmaamay in aabihii uu taariikh weyn ka qaatay halgankii xornimada ayna jirin cid kaga xaq badan isaga marka la eego siyaasiyiinta xilalka ka haya Kenya.


Odayaasha oo shir jaraa'id ku qabtay hoteel ku yaal magaalada Garissa ayaa ugu baaqay in dowlada Kenya ay wax ka qabato tacadiyada ay u geysanayaan ciidamada, bulshada xoola Dhaqatada.


Ismaamulada Kitui iyo Isiolo oo ka tirsan gobolada Bartamaha iyo Bariga Kenya ayaa dilal iyo dhac loogu geestay xoola dhaqato ka soo jeeda gobolka waqooyi bari todobaadyadii la soo Dhaafay.

Faallooyin