Sacuudiga oo bilaabay dadaal Xayiraada dhaqaale looga qaadayo wadanka Suudaan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii dalka Suudaan uu Mareykanka uga saari lahaa wadamada maalgaliya Argagixisada.


Qoraalkaan ayaa lagu shaaciyay bogga Twitter-ka ay ku leedahay wasaarada Arimaha dibada Sacuudiga kadib kulan axada maanta ah ay wada qaateen boqorka Sacuudiga madaxa gudiga dowlada ku meel gaarka ah ee Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan iyo ra'isul wasaare Cabdala Xamduuk.


Dowlada Mareykanka ayaa xukuumada suudaan waxay saartay cunaqabateyn sanadkii 1993-dii kadib markii lagu eedeeyay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir in uu maalgaliyo kooxaha Argagixisada.


Dowlada ku meel gaarka ah ee Suudaan ayaa la dhisay bishii Agoosto ee sanadkan kadib dibadbaxyo mudo bilo ah qaatay oo xilka looga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo sodon sano hayay Talada.

Wasiirka arimaha dibada suudaan Asmaa Cabdala ayaa bishii hore sheegay in dowlada cusub ay muhiimadeeda koowaad ay tahay sidii suudaan looga saari lahaa diiwaanka dalalka maalgaliya Argagixisada Caalamka.

Ra'isul wasaare Cabdalada Xamduuk ayaa bishii hore ka sheegay shirka 74-aad ee golaha amaanka ee qaramada midoobay in shacabka dalka suudaan ay la dhibtoonayaan dhaqaalo darro, ayna cadaalad aheyn in lagu ciqaabo danbi ay gashay dowladii Hore.


Ugu danbeyn boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay qeyb libaax ah ay ka qaadan doonto sidii suudaan looga qaadi lahaa xayiraada dhaqaalaha aa saaran si sare loogu qaado kobaca Dhaqaalaha.

Faallooyin