Booliska Mareykanka oo baadi goob ugu jira dabley afar qof ku dishay gobolka Kansas

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho ka dhacday magaalada goob lagu caweeyo oo ku taal caasimada gobolka Kansas, ee dalka Mareykanka.


Tv-ga gobolka KSHB-TV ayaa axada maanta ah tabiyay in toogasho afar ruux lagu dilay ay ka dhacday baarka Tequila oo ku yaal gudaha magaalada.


Saraakiisha booliska ayaa sheegay in shaqsiyaad hubeysan ay gudaha u galeen maqaayada kuwaasi oo rasaas xoogan ooda kaga qaaday dadkii ku sugnaa Goobta.


Dhanka kale shan qof oo dhaawac ka soo gaaray weerarkaan ayaa lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee magaalada Kansas.


Ma jirto ilaa iyo hada cid loo qabtay weerarkaan iyadoo booliska ilaa iyo hada uusan ka hadlin inta qof ee weerarka geystay iyo sababta ka Danbeysa.


Taliska booliska magaalada ay wadaan baaritaano dheeri ah saacadaha soo aadan ay macluumaadka la xiriira weerarkaan ay soo dhigi doonaan barta ay ku leeyihiin aalada bulshada ku xariirto ee Twitter-ka.

Faallooyin