Roob dad iyo duunyo ay ku diirsadeen oo ka Da'ay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed

Xilli abaaro baahsan oo dadka iyo duunyada saameyn ku yeeshay ay ka jiraan gobolada koonfureed ee dalka ayaa hadane saacadihii la soo dhaafay roobka iyo naxariista eebe waxay ku dhacday deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Gudoomiyaha golaha hoose ee baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beydhabo maanta ayaa sheegay in Roobaab mahiigaan ah ay ka Curteen gobolka kuwaasi oo dad iyo duunyaba ay ku diirsadeen.

Roobka ayaa dhanka kale ka da'ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Jubooyinka iyo gobolka waqooyo Bari Kenya gaar ahaan magaalada Mandera.

Maalmo ka hor ayaa roobka waxaa uu ka curtay deegaano ku yaal maamulka Soomaaliland waxaana roobka uu ku soo aadayaa iyadoo kuleyl iyo abaar daran laga dareemayo deegaanada ay degto bulshada Soomaaliyeed.

Faallooyin