Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maxkamad la soo Taagay

Wasiirka arimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbbaland Cabdirashiid Janan ayaa maanta la soo taagay maxkamada ku taal gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho oo todobaadyadii la soo dhaafay uu ku Xirnaa.

Mr Janan ayaa lagu qabtay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cabdule Cismaan xilli uu ku sii jeeday wadanka dariska ah ee Itoobiya.

Laamaha danbi baarista dowlada ayaa sheegay in ay soo dhameystireen danbiyo lagu eedeeyay Janan oo uu geestay intii uu hayay xilka wasaarada amniga Jubbaland.

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa ku eedeysay mr Cabdirashiid in uu geestay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.

Faallooyin