Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka Cameroon oo xabsiga laga sii Daayay

Maurice Kamto, oo ah hogaamiyaha mucaaradka Cameroon, ayaa xabsiga laga sii daayay sabtida mudo sagaal bilood kadib markii uu qaadacay doorashada Madaxtinimo ee dhacday dabayaaqadii sanadkii Hore.


Maxkamada milatariga magaalada caasimada ah ee Yaounde, ayaa amartay in sii deynta murashixii hore kadib cafis uga yimid madaxweynaha mudada dheer xilka haya ee Paul Biya.

Arintaan ayaa la xiriirta kadib cadaadis caalami ah oo dowlada Cameroon ay kala kulantay xariga hogaamiyaha Mucaaradka.

Mr Kamto, oo ah hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa mucaaradka ayaa markii uu xabsiga ka soo baxay waxaa soo dhaweeyay boqolaal ruux oo taageerayaashiisa ah kuwaasi oo aad ugu Farxay.

Waxaa soo dhaweyneynaa sii deysmada geesigeena kaasi oo mudo bilo ah xabsi ku xirnaa Maurice Kamto waa xor sidaasi waxaa yiri qareenkiisa oo lagu magacaabo Sylvain Souop.


Maalintii Khamiista ayay aheyd markii dibadbaxayaal xoogan oo lagu soo dhaweynayo sii deyntan ay si hor dhac uga dhaceen deegaanada ay ku xoogan yihiin mucaaradka Cameroon.

Faallooyin