Cayaartoyda qaranka dalka ee ka qeyb galeysa tartanka Xeegada oo gaaray magaalada Nairobi

Cayaartoyda Xulka Qaranka dalka u matali doona cayaarta Xeegada ayaa goordhow gaaray magaalada Caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya.

Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa waxaa ku soo dhaweeyay mas,uuliyiin iyo jaaliyada soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi.

Waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan tartanka xeegada Horyaalka Afrika oo ka furmi doona 21-di bishan September isla magaalada Nairobi.

Cayaartoydaan Soomaaliyeed ayaa ka soo duulay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Faallooyin