Asxaabta Mucaaradka oo eedeyn kulul u soo jeediyay dowlada Federaalka Soomaaliya

Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay in shaki ay ka qabaan qodobada ka soo baxay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo magaalada dhuusamareeb uu ku soo xiray madaxweynaha dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.


Qaar ka mid asxaabta mucaaradka oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa ku dhaliilay dowlada in ay faragalin qaawan ku heyso dhismaha maamulka Galmudug waa sida ay hadalka u Dhigeen.

Bayaanka ayaa waxaa ku saxiixnaa xisbiyada Wadajir, Horu-Socod, UPD, Ileys. iyo Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaana ay ku booriyeen dowlada in ay ka waantowdo faragalinta ay ku heyso dhismaha maamulka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee shirkii xalay uu soo xiray madaxweyne Farmaajo ayaa xubnihii ka qeyb galay waxay muujiyeen ififaalo wanaagsan oo dan u ah mustaqbalka maamul goboleedka Galmudug.

Faallooyin