Qaramada midoobay oo ka digtay xasuuq loo geesto Muslimiinta Myanmar

Warbixin cusub oo ay soo saartay gudiga xaqiiqa raadinta qaramada midoobay ee loo gaabiyo (FFM) ayaa lagu sheegay in wali ay sii socoto xadgudubyada loo geysanayo muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalka Myanmar.
Qaramada midoobay ayaa dhanka kale tilmaantay in kumanaan ruux ka soo jeeda qowmiyada Rohingya ay halis ugu jiraan Xasuuq.
Warbixintan ayaa noqoneysa baaritaankii ugu danbeeyay oo talaadada maanta ah ay soo bandhigto hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva.
Ciidanka amniga Myanmar ayaa dil dhaawac iyo kufsi u geestay kumanaan ruux oo Rohingya ah intii u dhaxeysay November sanadkii 2016-kii ilaa iyo bishii August sanadkii 2017-dii.
Gaboodfalada milatariga Myanmar ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay 730,000 oo ruux oo ku noolaa gobolka Rakhine iyagoo maciin biday xeryo qaxooti oo ku yaal dalka dariska la ah ee Bangladesh.
Arintaan ayaa meesha ka saareysa hamiga dib u noqoshada ah oo ay lahaayeen qaxootiga ku nool wadamada dariska la ah Myanmar.

Faallooyin