Angela Merkel oo soo jeedisay in wadahadal lagu xaliyo xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan

Ra'isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in wadada kaliya ee lagu xalin karo xiisada u dhaxeysa Washington iyo Iiraan ay tahay in loo laabto heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-ka.


Midowga Yurub wuxuu aaminsan yahay in heshiiskan uu ka hor istaagi karo Iiraan in ay joojiso qalabeynta dhanka milatariga iyo in ay sameysato hubka wax gumaada ee Nuclear-ka, sidaasi darteed waa in aan u laabanaa heshiiska ayey tiri Markel.

Hadalkaan ayey ka sheegtay shir Jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada Berlin oo talaadada maanta ah ay kula kulantay boqor Cabdalaha dalka Jordan.


Ra;isul wasaaraha Jarmalka ayaa dhanka kale xustay in dalkeeda uu doorbidayo in hab diblumaasiyadeed loo xaliyo qilaafka xiisada ka taagan bariga dhexe oo u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Faallooyin