Xuutiyiinta oo sheegay in shidaalka Sacuudiga uu ka qiimo badneyn dhiiga shacabka Yemen

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa aad u dhaleeceeyay dowladaha taageeraya Isbaheysiga Sacuudiga kadib weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka ay maleeshiyadan ku qaaday warshada shidaalka ee Aramco.

Afhayeenka kooxda oo lagu magacaabo Xuuti Ansaarulah ayaa ugu baaqay kuwa ka walwal qaba weerarka lagu qaaday ilaha dhaqaalaha Sacuudiga in ay ka fikiraan kuwa aan wax heysan oo maalin walba dhiigooda la Daadinayo.

Mr Xuuti ayaa dhanka kale tilmaamay in wadahadal iyo isfaham lagu heli karo nabad waarta oo ka dhacda wadanka Yemen ayna isku dhiibi doonin dowlado dano gaar ah ka leh Yemen.

Wuxuu hadalkiisa ku soo koobay kuwa ka xun weerarkii 14-kii bishan September lagu qaaday xarunta ugu weyn ee shidaalka caalamka laga soo saaro ee Aramco, in nafsadooda ay ku dhaliilaan sida aysan ugu hadlin dhiiga shacabka Yemen ee maalin walba la Daadinayo.

Faallooyin