Putin iyo Netanyahu oo kulan ku qaadanaya magaalada Sochi

Ra'isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Khamiista maanta kulan la qaadanaya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo kulankaan uu ka dhacayo magaalada xeebta ah ee Sochi ee dalka Ruushka.


Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo, iyadoo xukuumada Moscow ay dhaleeceysay dhulbalaarsiga Israel ay ka wado daanta galbeed ee dhulka Falastiin.

Wasaarada arimaha dibada Ruushka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay Arbacadii shalay ayaa walaac looga muujiyay qorshaha hogaamiyaha Israel, in ay kordhin karto xiisada ka taagan Bariga Dhexe.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan xaaladihii ugu danbeeyay ee magaalada Gaza, oo maalmo ka hor dagaal uu ku dhexmaray milatariga Israel iyo Ururka Xamaas.

Dowlada Ruushka ayaa dhanka kale sheegtay in ay taageeri doonto wadiiqo kasta oo loo marayo dhanka nabada oo ay gaaraan Falastiiniyiinta iyo Israel.

Faallooyin