Inkabadan 30 qof oo shiico ah oo ku dhintay dalka Ciraaq

Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ku soo riday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.


Arintaan ayaa timid maalin kadib markii Israel ay duqeyn ka bilowday agagaarka deegaanada ku teedsan xeebta Gaza.


Warbaahinta Falastiin ayaa dhanka kale tabisay in ururka Xamaas ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca drone-ka oo mareysay bariga magaalada Rafah oo dhanka koonfureed kaga beegan Gaza.


Dhanka kale milatariga Israel ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanada la xiriira diyaarada shalay galinkii danbe laga soo Riday.

Faallooyin