Trump oo shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii dhanka Amniga

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku qasbay la taliyihiisa dhanka amniga John Bolton, in uu shaqada isaga Tago.

Shaqa ka tagista Bolton ayaa loo sababeynayaa kadib markii la isku maan dhaafay arimaha Iiran Afghanistan iyo qaabka loo wajahayo isbadalada amni ee Caalamka.

Waxaan ku wargaliyay John Bolton in shaqadiisa ay dhamaatay kadib arimo badan oo isku maan dhaafnay, ayuu ku soo qoray Trump barta uu ku leeyahay Twitter-ka.


Trump ayaa dhanka kale u mahad celiyay shaqada uu Bolton u soo qabtay Mareykanka, waxaana uu sheegay in todobaadka soo aadan uu soo magacaabi doono la taliyahiisa Xiga.

Faallooyin