Mareykanka oo sheegay in ciidankiisa uu kala bixi doonin Afghanistan

Qabiir falanqeeya arimaha amniga iyo siyaasada oo ka soo jeeda magaalada Chicago ee dalka Mareykanka ayaa qaba in xukuumada Trump dareen ka qabin in ciidankeeda ay ka soo saarto Afghanistan.

Mr Stephen Lendman ayaa sheegay in taasi ay sabab u tahay sida Mareykanka uu uga laabtay heshiiskii uu la gaaray dagaalyahanada Talibaan.

Matalayaal ka socda Mareykanka iyo saraakiisha dhanka siyaasada arimaha dibada ayaa mudo bilo ah wadahadalo uga socday magaalada Dooxa ee dalka Qatar.


Xoghayaha arimaha dibada Mike Pompeo ayaa sheegay in uu dhintay heshiiskii ay la gaareen maleeshiyada Taliban.


Mr Pompeo ayaa intaa ku daray in aysan dhici doonin wadahadal danbe inta kooxda ay damaanad qaadeyso amniga Afghanistan.


Hadalka Mareykanka ayaa ku soo aadaya kadib qarax xoogan oo 11 ruux ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Kabul.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ka mid ahaa shaqaalaha safaarada Mareykanka ee dalka Afghanistan.


  

Faallooyin