Kenya oo lagu eedeeyay in aysan wax ka qaban dilalka loo geysanayo xoola dhaqatada Soomaalida

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa xadka ay wadaagaan ismaamulada Tana River iyo Kitui oo ka tirsan gudaha dalka Kenya.


Arintaan ayaa timid kadib markii koox burcad ah oo ka soo jeeda qowmiyada Kamba ay dileen nin ka mid ah xoola dhaqatada soomaalida ee ka soo jeeda ismaamulka Tana River.


Burcada ayaa sidoo kale dhacay dhowr neef oo lo, ah waxaana arintaan jawaab celinteeda noqotay in soomaalida ay disho hal ruux halka sadex kalena ay dhaawac u Geesteen.


Xiriiro dhanka Talefanka oo Universal la sameysay xoola dhaqatada ayaa inoo suura galin walow wararka aynu heleyno ay sheegayaan in xaalad cabsi ah ay ka jirto tuulada ay wax ka dhaceen.


Dhanka kale shacabka ku dhaqan waaxda Mutha ayaa inoo xaqiijiyay in ay ka cabsanayaan aargoosi kaga yimaada xoola dhaqatada Soomaalida.

Xoola dhaqatada Soomaaliyeed ayaa horay ugu eedeeyay dowlada Kenya in aysan wax ka qaban dhibaatada lagu hayo, tiiyoo ay jirto in laga qaado Canshuurta.


Siyaasiyiinta ka soo jeeda ismaamulka Kitui ayaa marar badan lagu eedeeyay in dhaqaale ay siiyaan kooxaha burcada ah ee ka soo jeeda qowmiyada Kamba-da.

Faallooyin