Rwanda oo magangalyo siineysa kumanaan muhaajiriin ah oo ku sugan Liibiya

Xukuumada Rwanda ayaa ogolaatay in ay qaabisho kumanaan ruux oo qaxooti Afrikaan ah oo ku sugan wadanka Liibiya.


War ka soo baxay urur goboleedka midowga Afrika, ayaa dhanka kale rajo looga muujiyay in dalalka kale ee qaarada ay ku dayan Doonaan.

Waxaa soo dhaweyn doonaa todobaadyada soo aadan ku dhowaad 500 oo ruux oo qaxooti ah oo hada sugan Liibiya, sidaasi waxaa sheegay safiirka Rwanda u matala ururka AU-da Tumukunde Gasatura.


Heshiiskan is afgaradka ah ayaa waxaa saxiixay hey,ada qaramada midoobay ee qaxootiga oo loo yaqaan UNHCR, Midowga Afrika iyo xukuumada Rwanda.


Dadkaan ayaa badankood ahaan doona kuwo asal ahaan ka soo jeeda geeska Afrika, sida lagu xusay Warsaxaafadeedkan.


Qaxootiga ku sugan liibiya ayaa hadii aysan ku qancin marka la geeyo Rwanda, waxay xulasho u heli doonaan in dalalkooda diyaarado loogu Daabulo.


Hey,ada qaramada midoobay ee qaxootiga ayaa sheegtay in 42 kun oo qaxooti ah ay hada ku sugan yihiin liibiya waxaana 30,000 oo ka mid ah hada aqbalay in magangalyo ay siin doonto dowlada Rwanda.

Faallooyin