Human Rights oo walaac ka muujisay xaalada caruur u xiran kooxda Boko Xaraam

Kumanaan ruux oo caruur ah ayaa mudo sanado ah wajahaya dhibaatooyin kala duwan oo kala Kulmayaan kooxda Boko Xaraam ee dalka Nigeria.


War saxaafadeed talaadada maanta ah ka soo baxay hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa loogu baaqay dagaalyahanadan in si deg deg ah ay u sii daayaan Caruurtan.


Hey,adan fadhigeedu yahay magaalada New-York ayaa lagu sheegay in caruurtan iyadoo aan la maxkamadeyn lagu hayo xeryo ciidan oo ay leedahay Boko Xaraam.

Mr Jo Becker, oo ah qareen ka tirsan hey,ada Human Rights ayaa sheegay in aysan jirin cadeyn buuxda oo la xiriirta danbiyo ay galeen iyo ku lug lahaanshiyaha dhanka Siyaasada.

Faallooyin