Booliska Hong Kong oo xabsiga dhigay in ka badan 100 Ruux

Booliska magaalada Hong Kong ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen 157 ruux, kadib dibadbaxyo ka dhacay sadex-dii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay Magaalada.

Arintaan ayaa ka dhigan in tirada dibadbaxayaasha ah ee xiran ay gaartay hada in ka badan 1,300 oo Ruux.


Kumanaan ruux oo ay ku jiraan aqoon yahano ayaa ka qeyb galay dibadbixii shalay waxaana hakad galay isku socodka magaalada Hong Kong.


Dadkaan ayaa isugu yimid markii danbe qunsuliyada Mareykanka iyagoo dalbanaya in laga caawiyo dhanka Dimuquraadiyada.


Banaanbaxyada ka socda Hong Kong sadexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa shacabka dalkaasi waxay uga soo horjeedaan taliska hada jira oo ay ku eedeeyeen in uu xiriir hoose la leeyahay dalka Shiinaha.

Faallooyin