Mareykanka oo loogu baaqay in uu Joojiyo cadaadiska uu ku hayo Iiraan

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in siyaasada Mareykanka ee ku saleysan cadaadiska ka dhanka ah Iiraan ay sal u tahay xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan.


Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu joojiyo talaabadan qaldan, oo dhalin karta in Iiraan ay ka baxdo heshiiskii Nuclear-ka.


Hua Chunying, afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Beijing ayaa tilmaamay in xaalada ay ka sii dari doonto hadii Washington ay sii wado cadaadiska Iiraan ay xiisada sii socon Doonto.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa bishii hore u qabtay mudo lixdan maalmood ah hadii Mareykanka uusan joojin cadaadiska uu ku hayo ay ka bixi doonaan heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii.

Faallooyin