Muwadiiniinta Nigeria ee ku sugan koonfur Afrika oo dib ugu laabanaya Dalkooda

Ku dhowaad 600 oo u dhashay dalka Nigeria ayaa dib ugu laaban doona dalkooda, kadib rabshado African naceyb ah oo ka dhacay bishii hore wadanka Koonfur Afrika.

Qunsulka Nigeria u fadhiya magaalada Johannesburg, Mr Godwin Adamu ayaa sheegay in dib u guryo noqoshada dadkaan ay bilaabi doonan maalmaha soo Aadan.


Diyaarada hore ayaa waxay qaadi doontaa ku dhowaad 320 qof iyadoo rakaabka kale uu xigi Doono.


La taliyaha madaxweyne Maxamadu Buhaari, mr Bashiir Axmed ayaa sheegay in madaxweynaha uu amray in si deg deg ah loogu fududeeyo dadka rajeynaya in dalkooda ay ku soo Laabtaan.

Faallooyin