Japan oo caro ka muujisay dhoolatuska Milatari ee Kuuriyada Koonfureed

Milatariga kuuriyada Koonfureed ayaa dhoolatus laba maalin soconaya ka bilaabay, jasiirada ay ku muransan yihiin dalka Japan.


Arintaan ayaa waxaa aad uga carooday xukuumada Tokyo, waxaana walaac ay ka muujisay qabar ka soo baxay Sirdoonka.

Maamulada Seoul iyo Tokyo ayaa in mudo ah isku hayay jasiirada Takeshima oo mid midka kale uu Sheeganayo.


Sargaal ka tirsan wasaarada difaaca kuuriyada koonfureed, ayaa sheegay in dhoolatuska milatari ee ka bilowday Axada maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya cutubyo ka tirsan ciidanka badda iyo Milatariga.

Dhanka kale wasaarada difaaca Japan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay dhoolatuskan, waxaana ay ugu baaqday in Kuuriyada Koonfureed in ay soo Afjarto.

Faallooyin