Soomaalida Islii oo loogu baaqay in aysan ka cabsan ciidanka Amniga iyo tirakoobka dadweynaha oo Socda

Waxaa maalintii labaad ka socda gudaha dalka Kenya tirakoobka dadweynaha oo 10 sano mar laga qabto Dalkaasi.


Meelaha uu ka socdo ayaa waxaa ka mid ah xaafada soomaalida degto ee Islii oo ka tirsan degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi.


Inkastoo ay yartahay soomaalida heysata sharciga Kenya ee ku nool Islii ayaa hadane waxay dadka cabsi ka muujiyeen ciidanka amniga ee la socda shaqaalaha ku howlan Tirakoobka.

Balse mas,uuliyiinta amniga iyo hogaamiye yaasha degmada Kamakunji ayaa ugu baaqay in soomaalida aysan ka cabsan askarta maadaama howsha socoto lagu ogaanayo tirada Dadweynaha.

Meelaha kale ee  tirakoobkan uu ka socdo ayaa waxaa ka mid ah ismaamulada Garissa Wajer iyo Mandera oo ka tirsan gobolka soomaalida ee waqooyiga bari Kenya.

Faallooyin