Madaxda Ismaamulka Garissa oo ka heshiiyay qilaafkii u Dhaxeeyay

Madaxa golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya mr Aadan Barre Ducaale, iyo barasaabka ismaamulka Garissa ee Cali Bunow Qorane ayaa maanta soo afjaray qilaaf u dhaxeeyay.

Kadib kulan ay goob joog ka ahaayeen waxgaradka ay ka soo jeedan labada hogaamiya oo hormuud uu ka ahaa ugaas Cabdi Deeqoow ayaa labada hogaamiye ay isku gacan Qaadeen.


Qilaafka labada dhibac oo taagnaa sanadkii u danbeeyay ayaa saameyn ku yeeshay dhanka hormarka oo shacabka ka filayeen dowlad deegaanka Garissa.


Xildhibaan Ducaale ayaa marar badan ku dhaliilay dowlada cali Bunow Qorane in aysan la imaan waxyaabihii loo Igmaday.


Si kastaba ha ahaatee shacabka Garissa ee gobolka waqooyiga Bari Kenya ayaa ka warsugaya talaabada kale ee xigta Heshiiskaan.

Faallooyin