Hogaanka sare ee dalka Lubnaan oo ka hadlay diyaarado ay leedahay Israel oo ku burburay magaalada Beyruut

Ra'isul wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ka hadlay laba diyaarad oo nooca duuliyaha aan laheyn oo maanta ku burburay koonfurta magaalada caasimada ah ee Beyruut.


Mr Sacad ayaa tilmaamay weerar qaawan oo Israel ku soo qaatay oo ka dhan ah madax banaanida Lubnaan.

Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in isku dayga Israel uu kicinayo xasiloonida ka jirta gobolka Bariga Dhexe.


Arintaan ayaa waxaa sidoo kale goor dhow ka hadlay hogaamiyaha ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah waxaana uu sheegay in weerarka Israel uu halis ku yahay Hormarka.

Afhayeenka Ururkan Maxamed Cafiif ayaa sidoo kale beeniyay maanta in ay soo rideen labada Diyaaradood.

Faallooyin