Olole lagu tirakoobayo dadweynaha oo ka bilowday dalka Kenya

Ololaha tirakoobka dadweynaha ayaa caawa ka bilowday guud ahaan dalkaasi, kaasi oo lagu ogaanayo tirada muwaadiinta Kenya.


Deegaanada uu ka bilowday ayaa waxaa ka mid ah gobolka soomaalida ee waqooyi Bari.


Siyaasiyiinta iyo hogaamiye yaasha aagaasi ayaana ugu baaqaya shacabka in ay isdiiwaan Galiyaan.


Xildhibaanka magaalada Garissa Aden Bare Ducaale oo la hadlay maanta warfidiyeenada ayaa rajo ka muujiyay in tirada soomaalida Kenya ay kordhi Doonto.


Dhanka kale wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin in been laga sheego tirada Soomaalida.

Dhanka kale waxaa soo baxaya sheegaya in cilad ay ku timid qalabkii wax lagu xisaabinayay taasi oo shaki galisay dadka waqooyi Bari.


Faallooyin