Xasan Ruuxaani oo amaanay midnimada dowlada iyo shacabka Iiraan

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa amaanay midnimada shacabka iyo dowlada Iiraan in ay fure u tahay awooda Iiraan.


Waxaan shaki ku jirin in Taariikhda ay baal dahab ka gali doonto midnimada dowlada iyo shacabka ayuu yiri kadib qudbad uu ka jeediyay warbaahinta dowlada sabtida Maanta.


Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada caasimada ah ee Tehraan ay ka socoto xuska Imam Khumeyni oo ahaa aas aasaha kacaanka islaamiga ah ee Iiraan.



Sanadkasta 23-da Agoosto ayaa la qabtaa xuska madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamed Cali Rajaay Ra'isul wasaarihii dalkaasi Maxamed Javad Bahanoor iyo xubno kale oo ka tirsanaa dowlada oo ku geeriyooday weerar ka dhacay magaalada Tehraan 30-kii Agoosto sanadkii 1981-dii.

Iiraan ayaa waxaa uu la kulmaysaa cunaqabateyn kaga Imaaneysa dowlada Mareykanka.

Faallooyin