Ilhaan Cumar iyo Rashiida Daalib oo loo diiday in ay booqdaan daanta Galbeed

Rashiida Daalib iyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan xubnaha aqalka hoose ee Congress-ka Mareykanka ayaa dhaleeceeyay talaabada looga hor istaagay booqashada ay qorsheynayeen in ay ku tagaan daanta Galbeed.

Xildhibaanadan oo asal ahaan ka soo kala jeeda Soomaaliya iyo Falastiin, ayaa sheegay in talaabadan ay tahay xad-gudub ku tahay qiimaha Dimuquraadiyada.

Rashiida oo 43-jir ah oo ka falcelineysa arintaan ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka soo dhigtay sawirka ayeydeed oo ku nool Beyt Al-Fuuqa ee ku taal daanta galbeed waxaana ay raacisay aniga qofka aan ahay, sababta waa Madaxeeda.


Dhanka kale waxay tilmaantay talaabada Israel ay kaga mamnuucday booqashadeeda ay tahay mid lagu doonayo in lagu qariyo dhibaatada ka jirta Falastiin.


Marwo Ilhaan Cumar ayaa dhankeeda sheegtay in siyaasad wanaagsan ay ka fileyn Ra'isul wasaare Benjamin Netanyahu, oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Khamiistii hore ayey aheyd markii Trump uu ugu baaqay in Israel aysan ogolaan booqashada Ilhaan iyo Rashiida ku doonayaan in ay ku gaaraan dalka Falastiin.

Faallooyin