Madaxweynayaal horay u soo maray dalka oo baaq ka soo saaray doorashada Jubbaland

Madaxweynayaal horay u soo maray dalka ayaa waxay taageero u muujiyeen gudiga doorashada madaxa banaan ee Jubbaland oo musharixiinta qaar ay ku eedeeyeen in uu soo dhisay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ah hogaamiyaha xisbiga Himilo ayaa ugu baaqay gudiga doorashada in si cadaalad ah oo madax banaan ay u qabtaan loolanka Madaxtinimo ee Jubbaland.

Musharixiinta mucaaradka ah ayaa aad uga horyimid 73 xildhibaan oo lagu dhaariyay magaalada kismaayo maalin ka hor oo ay sheegeen in ay soo dooran doonaan Axmed Madoobe.

Dhanka kale waxaa arintaan ka hadlay Shiikh shariif sh Axmed oo ka mid ahaa madaxweynayaashii dalka soo maray waxaana uu ugu baaqay siyaasiyiinta Jubbaland in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo Nabada.

Mr Axmed ayaa tilmaamay in qalad yar oo ay galaan gudiga doorashada ay keeni karto dhibaato iyo dib u dhac soo wajaha hormarka Jubbaland.

Xasan shiikh Maxamuud iyo shariif shiikh Axmed ayaa ugu danbeyn ugu baaqay dowlada Fedaraalka soomaaliya in ay gacan ka geysato doorashada madaxtinimo ee Jubbaland iyadoo loo marayo gudiga doorashada ee Ismaamulkaasi.


Si kastaba ha ahaatee baarlamaanka cusub ayaa la filayaa in ay afhayeen doortaan maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo Aadan.

Faallooyin