Imraan Khan oo wacad ku maray in Pakistan ay jawaab ka bixi doonto Gardarada Hindiya

Ra'isul wasaare Imraan Khan ayaa kaga digay dowlada Hindiya in ay u diyaar garowdo jawaabta ay Pakistan ka bixin doonto ficilada ay ka wado gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir.

Wadamadan daris wadaaga ah oo ku yaal dhanka koonfureed ee qaarada aasiya ayaa xiriirkooda go'ay kadib markii Hindiya xayiraad ku soo rogtay gobolka Himalayan mudo todobaad laga Joogo.

Kadib shir jaraa'id oo uu arbacada maanta ah ku qabtay magaalada Muzaffarabad, ee caasimada u ah ismaamuka Kashmiir ee Pakistan maamusho ayuu mr Khan wacad ku maray in waqtiga marka uu yimaado Delhi ay jawaab heli Doonto.

Hogaamiyaha Pakistaan ayaa ka dhawaajiyay in ay hayaan xog ku aadan in Hindiya ay qorsheyneyso falal ka dhan ah Kashmiir, ayna diyaar u yihiin in Jawaab ay ka Bixiyaan.

Digniintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa wadamada Pakistan iyo Hindiya.

Faallooyin