Milatariga Suuriya oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay gobolka Idlib

Milatariga Suuriya ayaa guulo ka gaaray kadib dagaal xoogan oo ay la galeen maleeshiyada mucaaradka ee ku sugan gobolka dhaca waqooyiga Galbeed.


Wakaalada wararka ee SANA ayaa sheegtay in ciidanka dowlada iyo dagaalyahano taabacsan ay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin ka Kafr Ciin Khirbiid Al-Murshid iyo Minrar.

Ciidanka suuriya ayaa dagaal xoogan la galay kooxda Jabhatul Fatax Al-Shaam iyo dagaalyahanada Al-Nusra oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida.

Ilo ka tirsan milatariga Suuriya oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay in qasaare xoogan ay u geesteen kooxda Argagixisada ee ku sugan gobolka Idlib.

Agaasimaha hey,ada xuquuqda aadanaha Suuriya Raami Cabdi Raxmaan ayaa sheegay in milatariga suuriya ay hada afar kiilo mitir u jiraan magaalada Khan Sheykhuun oo ay ku nool yihiin kumanaan Ruux.

Faallooyin