Boqolaal ruux oo ku dhintay daadad xoogan oo ku fatahay Gobolo ku yaal Hindiya

Daadad xoogan oo ka dhashay duufaan Mansoon ee ku dhufatay Hindiya ayaa 270 ruux ku dishay bishan Agoosto, iyadoo ku dhowaad hal million oo ruux ay barakacayaal noqdeen sida ay xaqiijisay Dowlada.


Dalka Hindiya ayaa caadiyan roobka waxaa uu ka da,aa bilaha June ilaa Septemper, balse roobka ayaa bilihii la soo dhaafay dhaliyay dhimasho badan iyo qasaare Hantiyadeed.

Ismaamulada dhaca dhanka koonfureed ee Kerala iyo Karnataka, iyo gobolada Maharashtra iyo Gujarat oo dhaca dhanka galbeed ee Hindiya ayaa qasaaraha ugu daran ay ka soo gaartay duufaanta Mansoon.
Biyaha ayaa la tagay kumanaan kun oo hectar oo beero ah, sida ay sheegtay xukuumada Delhi.

Ku dhowaad 95 qof ayaa ku dhintay gobolka Kerela halka 50 qof wali la la'yahay raqdooda kadib roob todobaadkii hore Da'ay.

Dhanka kale 190,000 oo ruux ayaa noqday barakacayaal kuwaasi oo hada ku nool xeryo, sida uu xaqiijiyay wasiirka gobolka Pinarayi Vijayan.

Faallooyin