Sacuudiga oo looga digay dilka wadaad u ololeeya xuquuqda Aadanaha

Suura galinimada in ciidanka amniga Sacuudiga ay daldalaan wadaadka u xiran dowlada ee lagu magacaabo Salmaan Al-Cowdah ayaa waxaa ka digay wiilka uu Dhalay.


Warbixin uu daabacay wargeyska the Guardian ee ka soo baxa UK ayaa, Cabdulaahi Al-Cowdah wuxuu sheegay in ay dhici karto in aabihii la Daldalo.

Mr Cabdulaahi ayaa intaa raaciyay in boqortooyada Sacuudiga ay dooneyso in ay afka qabato siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee u Ololeeya xuquuqda Aadanaha.


Wadaadkaan ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii waxaa xiray ciidanka Amniga kadib markii uu soo jeediyay in la xaliyo qilaafka Sacuudiga iyo Qatar.


Bishii July ayaa dib loo dhigay xukun ay gaari laheyd maxkamada Sacuudiga ilaa bisha November, iyadoo dacwad soo oogayaasha Sacuudiga ay dalbanayaan in la daldalo Shiikh Salmaan Al-Cowdah.

Faallooyin