Doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland oo laga soo hormariyay waqtigii horay loo Asteeyay

Gudiga doorashada Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan doorashada madaxtinimo ee la filayo in la qabto bishan Agoosto.

War saxaafadeed ay soo saareen maanta ayaa waxaa lagu sheegay in la soo hormariyay doorashada madaxtinimo ee la filayay in ay dhacdo 24-bishan Agoosto, sida ay gudigu Xaqiijiyaan.


Qoraal ka soo baxay xarunta Gudiga doorashada Jubbaland ayaa lagu shaaciyay in doorashada la qaban dooni 19-ka Bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ee todobaadka Danbe.


Waxay ku soo aadeysaa iyadoo xubnaha Mucaaradka ah ee Jubbaland ay qaadaceen xildhibaanadii shalay lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.


Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha gudiga doorashada Jubbaland Xamsa Cabdi Barre.

Faallooyin