Booliska Maleysia oo helay Meydka Gabar u dhalatay Ireland

Booliska Maleysi ayaa helay meydka gabar aan dhar wadan oo qaangaar aheyn taasi oo 10 maalmood ka hor lagu waayay goob loo dalxiis tago iyadoo la ogeyn waxa sababay Geerideeda.


Nuura Anne Quoirin, aheyd gabar 15 jir ah oo ku dhiban waxbarashada ayaa la waayay raqdeeda 4-tii bishii Agoosto, kadib markii ay ka dageen goobta loo dalxiis tago ee Dusun oo dhacda degmada Seremban, oo dhanka koonfureed 70 kiilo mitir kaga beegan magaalada Kuala Lumpur.


Qoyska gabadhaan ayaa xaqiijiyay in gabadhooda ay tahay, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Maleysia Maxamed Mahad Yuusuf.


Taliyaha ayaa intaa ku daray in baaritaanka la xiriira geerida gabadhaan ay dhameystiri doonaan subaxnimada bari oo Arbaco.

Keynta laga helay Meydka Nuura ayaa qiyaastii 2.5 kiilo mitir waxay u jirtaa goobta ay waalidkeeda ku Sugnaayeen.

Dhanka kale taliye ku xigeenka Booliska Maleysi Mazlan Mansor, ayaa sheegay in aysan jirin cadeymo muujinaya in dilkaan uu la xiriiro fal Danbiyadeed.


Nuura Anne Quoirin, oo heysata dhalashada Ireland  iyo Faransiiska ayaa waalidkeeda waxay codsadeen in gacan laga geysto baaritaanka shaqsiyaadkii ka danbeeyay Dilkaan.

Faallooyin