Waxgaradka Waqooyi Bari Kenya oo ka horyimid in Tirakoob dadweyne laga sameeyo gobolka Soomaalida

Odayaasha iyo waxgaradka soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa ka hor yimid in tirakoob laga sameeyo ismaamulada ay degaan dadka xoola dhaqatada dhamaadka Bishaan.

Kenya oo 10-kii sano mar laga sameeyo tirakoob dadweyne ayaa la filayaa in 24-ta bishan Agoosto ay ka bilaabato, balse arintaan waxaa diiday in Odayaashan oo qadka Taleefanka kula hadlay Universal Tv.

Gudoomiyaha gudiga Nabeda degmada Dadab Cismaan Ibraahim Afmaroor ayaa sheegay in dadka waqooyi bari ay u badan yihiin xoola dhaqato kuwaasi oo hada ku sugan gudaha dalka gaar ahaan deegaanada Jubbooyinka.

Dhanka kale Dubat Cali Camey oo ah gudoomiyaha suuq geynta xoolaha Nool ayaa tilmaamay in hadii la xisaabiyo aysan soo bixi doonin tirada saxda ah ee dadweynaha Soomaalida.


Dhaqane Faliir oo isna ah gudoomiya gudiga nabedgelyada degmada Lagdera ayaa sheegay in xoola dhaqatada Garissa Wajer iyo Mandera ay ku barakaceen soomaaliya waxaana uu ku baaqay in dowlada Kenya ay dib u dhigto tirakoobka Dadweynaha.

Faallooyin