Ciraaq oo ka hor timid in Israel howlgalo amni sugid ah ay ka Fuliso xeebaha Carabta

Dowlada Ciraaq ayaa diiday dadaalada ciidanka Badda Israel ay ku biiraan isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka ee la doonayo in lagu ilaaliyo maraakiibta Ganacsi ee mareysa xeebaha Khaliijka iyo gacan biyoodka Hormuz.


Wasiirka arimaha dibada Iiraan Maxamed Cali Al-Xakiim ayaa baraha bulshada ku soo qoray in Ciraaq ay ka soo horjeedo dadaal kasta oo wadamada reer galbeedka ay ku doonayaan in lagu sugo amniga maraakiibta mareysa xeebaha bariga dhexe oo Israel ay qeyb ka Tahay.


Dhanka kale wuxuu sheegay in wadajirka wadamada carbeed oo la helo in lagu xaqiijin karo amaanka maraakiibta iyo doomaha wada shixnadaha Ganacsi.

Wasiirka arimaha dibeda Ciraaq ayaa sidoo kale tilmaamay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono sidii hoos loogu dhigi lahaa xaalada kacsan ee ka jirta gobolka iyada oo loo marayo wadahadal Nabadeed.

Maxamed Cali Al-Xakiim ayaa hadalkiisa ku soo koobay in ciidanka reer galbeedka ay kaliya kaga sii darayaan xaalada Nabadeed ee ayna dan ugu jirin wadamada Carabta.


Hadalka ka soo baxay dowlada Ciraaq ayaa ku soo aadayaa iyadoo bilihii la soo dhaafay ay kor u sii kaceysay xaalada cakiran ee ka dhex aloosan Washington iyo Tehraan.


Bishii hore ayey aheyd markii ciidanka ilaalada badda Iiraan ay dhulka soo dhigeen diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ay lahaayeen milatariga Mareykanka.


Dhanka kale waxaa la weeraray maraakiib shidaal oo mareysa xeebaha Khaliijka oo u dhow badda IIraan waxaana Mareykanka uu ku eedeeyay in ka danbeeyeen ciidanka Kacaanka.

Faallooyin