Dowlada Iiraan oo rajo ka muujisay sii deynta Markab looga qabsaday xeebaha UK

Waaxda dekadaha Iiraan ayaa sheegtay in dowlada UK ay sii deyn doonto markab shidaal oo ay horay u qabsatay, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen macluumaad la xiriira sii deynta Markabkaan.


Ciidanka badda UK ayaa bishii hore ku qabtay markabkan ganacsi ee Iiraan xeebaha Gibraltar, xilli uu ku wajahnaa wadanka Suuriya.


Gudoomiye ku xigeenka waaxda Dekadaha Iiraan Jalaal Islaami ayaa u sheegay wakaalada wararka ee IRNA, maanta oo talaada ah in UK ay sii deyn doonto markabka Grace 1 ayna rajo ka Qabaan.


Mr Jalaal ayaa intaa raaciyay in markabka lagu qabtay eedo been Abuur ah, balse aan wali la sii Deynin.


Dowlada UK ayaa sheegtay iyada oo ka duuleysa cunaqabateynta dalalka midowga Yurub ay saareen xukuumada Bashar Al-Asad ay markabkaan qabteen maadaama shidaal uu waday milatariga Suuriya.

Balse sargaal sare oo u hadlay maamulka magaalada Gibraltar,ayaa beeniyay warkaan waxaana uu sheegay in aysan sax aheyn sii deysmada markabka Grace 1 oo laga leeyahay Iiraan.

Faallooyin